Wax ka ogow kulanka saciid deni iyo wakiilka urur goboleedka IGAD

Wararka Maanta

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ku sugan magaalada Naiorbi ayaa la yeelanaya kulamo kala duwan wakiilada Ururada iyo Safiirada dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa la kulmay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Ali Guyo.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira xaalada guud ee Soomaaliya, wada shaqeynta IGAD iyo Puntland, arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Labada Mas’uul ayaa isla soo qaaday doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan iyo lagama maarmaanimada in la soo celiyo wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa la kulmay Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim waxaana laga wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.