Taliyaha howlgalka Amisom oo booqday saldhiga ugu wayn ciidamada Kenya ee Dhoobleey

Wararka Maanta

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Lt. Gen. Tigabu Yilma ayaa Arbacadii booqday ciidamada ku sugan jiida hore ee magaalada Dhoobley ee u dhow soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hubiyaan xaaladooda iyo qorshahooda howlgalka.

Qeybta labaad Howlgalka AMISOM ee Jubbaland ayaa ah Ciidanka Difaaca Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana ay ka mid yihiin shanta waaxood ee ku baahsan gobolada dalka ee hoostaga Taliska AMISOM .

Lt. Gen. Yilma ayaa kula kulmay Saldhigga Dhoobley Taliyaha Qeybta 2aad Sareeye Guuto Dickson Ruto oo ka warbixiyay guulaha laga diiwaan galiyay howlgalka AMISOM iyo qorshayaashooda la xiriira sidii AMISOM si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda Amniga ugu wareejiyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan u imid inaan eeggo howsha wanaagsan ee AMISOM u qabaneyso Soomaaliya, Cadawga dhulkuu lumiyey laakiin waxaan u baahanahay inaan sii wadno cadaadiska si aan xasillooni dhameystiran uga hirgelino Soomaaliya oo aan gacanta u gelino Soomaalida, Markaan dhamayno shaqadeena, taariikhdu waxay na xasuusineysaa dadaalkeenna qaaliga ah ee nabad ku soo celinta Soomaaliya, ”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya.

AMISOM ayaa isku diyaarineysa in xilliga kala guurka in mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidamada Soomaaliya, hase ahaatee waxaa calaamad su’aal ka saaran tahay sida ay Ciidamada Soomaaliya awood ugu heli karaan sugida goobaha ay ka baxaan Ciidamada AMISOM.

Magaalada Dhoobley waxay qiyaastii 729 Km koonfur-galbeed ka xigtaa magaalada Muqdisho, Waxay ku taalaa wadada muhiimka ah ee isku xirta Kismaayo ilaa magaalada xudduudda Kenya ee Liboi ee u dhow xerada qaxootiga Dhadhaab ee gudaha Kenya waxaana ku nool tobanaan kun oo qaxooti Soomaali ah.