Dibadbaxayaal caraysan oo isku soo baxay Boosaaso

Wararka Maanta

Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa Maanta banaanbax ka dhigay  dad ka careysan Go’aan kasoo baxay Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland kaas oo ay  ku xirayaan suuqa kalluunka iyo marsada ee ku dhexyaalla dekedda Boosaaso.

Banaanbaxayaasha oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa waxa ay sheegeen in Go’aankaas uu yahay mid dhibaato ku ah oo aysan u dul qaadan karin maadaama sida ay sheegeen Goobo ay ku Ganacsanayeen laga rarayo.

Waxa ay been abuur ku tilmaameen warar sheegayay in Wasaaradda Dekadaha iyo Garoomada puntland inay u diyaarisay Goobo kale oo loo rarayo,waxaana ay sheegeen meesha ay hadda joogaan meel ka ka wanaagsan inaysan heleynin.

Madaxweynaha Dowlad goboleedkaPuntland Siciid Cabdullaahi Deni ayay ka codsadeen banaan baxayaasha in uu arrintaasi soo farageliyo,islamarkaana ay isbedel weyn filayeen markii loo doortay Madaxweynaha Maamulka Puntland.