#caqabadaha_heysta_Qorayaasha_Soomaaliyeed.
Kuma soo koobi karo dhibatooyinka heysta qorayasha soomaliyeed
balse wax uun baan ka iftiimin doona.
Qorayaasha soomaaliyeed waxa ay maraan dhibaatooyin kala gadisan.
Waxa ay maskaxdooda, maalkoda iyo waqtigodaba ubixiyaan soo gudbinta fariin ay u’arkaan in ay bulshada ka daahsoontahay.
Waxa ay uhiilinayaan horumarinayaana luqadda soomaaliyeed oo ay wax ku qoraan iyagoo helin meel sidii larabay loogu baro.
▪Caqabaduhu waxay ka bilowdaan dadka ku xeeran qoraaga sida qaraabada, qoyska iyo asxaabta oo uu lawadaago fariinta uu rabo in uu bulshada ugudbiyo
Waxayse usheegaan in uusan isdhibin howshaasna qaban karin.
Hasa ahaate waa uu dhabar adeegaa, waxa uuna isku dayaa/daydaa inuu ka gudbo caqabadaas.
▪tan labaadi waa daabacada bugaagtaas uu waqtiga adag ku bixiyay balse uusan heysan qof ka caawisa daabacada.
Waxa uu deyn iyo deeqba ku bixiyaa helida qarashkaas si buggaasi ugaaro bulshadiisa.
▪ marka laga gudbo intaas oo dhib ah waxaa caqabad kale ah sidii uu ku gaari lahaa bulsho inta wax aqrisaa ku yartahay una baahan in buugi lala raadiyo.
Waxaa loo baahdaa bandhig la isugu keeno qeeybaha kalagadisan ee bulshada
Si loogu sharaxo buggaas.
Bandhigaasi waxa uu ubahanyahay qarash dheeraad ah sida, lacagta hotelka, martida oo aad soortid sida dhaqanka ah IWM.
Hadii intaas laga gudbo, waxaa dhib kale ah in dadkaasi aysan bugagta ka qaadan qoraagi dhibkas kasoo maray oo ay ku baaran.
Intaasi waa uun horu dhac.
>> waxaan ubaahanahay inan dhiiragalino dadkaas dhibka badan umaraya dadkooda, dalkooda iyo luqadooda.
>> waa inan laqeybsanaa dhibka ay maryaa intii awoodeena ah
>> waa inan dareensinaa in ay bulshadoodu garab taagantahay, kuna faraxsantahay waxa ay soo kordhiyeen.
>> waa inan ku dhiiragalino aqrinta iyo iibsashada bugagtaas.
>> waa inaan ku dhiragalinaa in ay bugagtodu faafto. Oo ay gaarto dunida.
Maxaa wacay waa mustaqbal usoo ifaya dadka,dalka, dhaqanka iyo luqada soomaaliyeed.
>>> waa Tooshki Aan kaga gudbi laheyn mugdiga hareyay dalkeena.
>> waa inan wixii qalad ah la saxnaa ileen waa dhallinyaro aan helin luqadii saxda aheyd cid barta.
>> Aan hiil iyo hooba lagarab istaagno dadkaas mustaqbalka ifaya leh.
>> aan ka qaadno dhulka oo aan geyno meel sare.
Wixii aan qalday naf iyo sheydaan beey ka ahaadeen waxan saxayna alle ayaa iwaafajiyay
W/Q:Abdirahman Ali Mohamed