Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Habeenkii Shaqeynaya

Wararka Maanta

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo cirka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad, oo maanta  la hadlay, warbaahinta ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo dhameystirey qalabkii sahlayay duulimaadyada habeenkii islamarkaana garoonka uu shaqeynayo in ka badan 16 saacadood.

Wasiirka ayaa shirkadaha duulimaadka ee ka howlgala dalka u sheegay in habeen iyo maalin si isku mid ah u shaqeyn karaan.

Waaxda saadaasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee Tawaradooda ku yaalaan degmooyinka Wadajir, Waaberi, Hodan, Xamar-weyne, Xamar-Jajab iyo Warta nabadda in ay ku xiraan leerar muujinaya tawaradooda si diyaaradaha habeenkii aysan u dhibaateyn.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay ula soo wareegi laheyd maamulka hawada dalka, Ra’iisul wasaaraha xukuuumadda Soomaaliya ayaana dhowaan daah furey duulimaadka habeenkii ee Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa shaqeyn doona 6:00 AM ilaa 10:00 PM habeenimo. Waxaana xalay ka duulay duulimaadkii ugu horeyey.