Wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti oo booqasho rasmiya ku yimid Soomaaliya

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee dowladda Jabuuti, Ridwaan C/laahi Bahdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu horkacayo wasiirka warfaafinta dalka Jabuuti Bahdoon ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaarada warfaafinta.

Wasiir Bahdoon ayaa la sheegayaa in safarkan uu ku yimid Muqdisho yahay mid rasmi ah, wuxuuna inta uu joogo la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo Dowlada Federalka.