Xog dhameystiran.. Safarka MD Farmaajo ee Cadaado iyo Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan booqanayey deegaanada Galmudug ayaa caawa ku hoyday Magaalada Guriceel gobolka Galgaduud, Madaxweynaha ayaa la filayaa uu beri u ambabaxo degmada Cabudwaaq waqooyiga gobolka Galgaduud, wuxuuna sii mari doonaa Banbale iyo Xeraale.

Maalinimada Axadda 21 bishan ayaa la filayaa inuu soo gaaro Degmada Cadaado, waxaana ujeeda safarkiisa lagu sheegay siduu uu xal ugu heli lahaa tabashada reer Cadaado, Madaxweynaha ayaa raaligalin ka bixin doona in uu ka tagay Odayaasha Cadaado sugaya, waxaana sidoo kale la qorsheynayaa in la dhameeyo khilaafka hareeyey heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna oo si weyn uga biyo diideen reer Cadaado. Waxaana la ogeyn in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale ku wehlin doono safarkiisa, maadaama reer Cadaado ka mamnuuceen inuu yimaado deegaanadooda.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho ku tagi doona Magaalo xeebeedka Hobyo, oo ah magaalo qadiimi ah, wufuud kala duwan ayaa ku qulqulaysa Hobyo, waxaana ka socda diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha, isagoo la filayo inuu dhagax dhigo Dhismaha Dekedda Hobyo, oo ah Mashruuca uga muhiimsan Galmudug. iyo mashaariic kale. Waana Madaxweynihii ugu horeeyey ee taga Hobyo burburkii kadib.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa 7 bishan ka bilowday Magaalada Garoowe caasimadda maamulka Puntland, waxa uuna ku marayaa magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso, Galkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Guriceel, Balanbal, Xeraale, Cabudwaaq iyo Hobyo.