Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo looga yeeray Maxkamada sare

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maxkamadda sare e Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa u yeertay 25 kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas amar kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada sare Galmudug Dr.Yaxya Sh Maxamed ayaa Mudanayaashaan lagu faray inay kusoo xaadiraan 3/10/2017

Wareegtadaan kasoo baxay Maxkamada sare ee GalmudugĀ  waxaa og Madaxwaynaha Maamulka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug waxaana Xildhibaanadaan laga doonaya inay hor yimaadaan Maxkamada sare ee Galmudug maalinta Talaada ah ayadoo kaliya waraaqda lagu xusay in Maxkamda ay soo gaartay Cabasho lid ku ah Magacyada ku xusan.

Lama oga sababta Rasmiga ah ee ka danbaysa u yeerista Xildhibaana Galmudug Hasa-yeeshee Warar hoose oo soo gaaraya Shabakadda Ceelhuur.com ayaa sheegaya in badan kood yihiin Xildhibaanadii sheegay inay Xilka ka qaadeen Madaxwayne Xaaf.

Arintaan ayaa kusoo aadaysaa xilli Galmudug Cagaha kula jirto Xasilooni daro Siyaasadeed fadhiyo kala duwana Baarlamaanku Xilalka uga qaadeen Sadexda Masuul ee ugu saraysa Maamulka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay dab kusii shidayso xaalka cakiran ee Galmudug

Hoos ka Akhri Waraaqda Maxkamada sare ee Galmudug

Ceelhuuronline