Xukuumadda Soomaaliya Oo Soo Dhaweysay Xariga Korneyl Gabre

Wararka Maanta

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa jiray warar soo baxayay waxa ay sheegayaan in la xiray Col. Gebregziabher Alemseged oo Soomaalida ay u taqaan  Gabre.

Sababta ugu weyn ee loo heysto ayay wararku sheegayaan in uu faragelin ku hayay Soomaaliya muddo dheer, waana tan keyntay in la xiro.

25-kii June sanadkaan 2018 waxaa laga raacdeeyay Xubin uu ka hayay Ururka Goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin Dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ku jirto.

Gabre ayaa Siyaasadda Soomaaliya ka muuqday tan iyo 2006-dii, kolkaas oo ay Soomaaliya soo galeen Ciidamadii Itoobiya ee garabka siinayay Dowladii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Qoraal uu soo dhigay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Abdinuur Maxamed Axmed waxa uu ku sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso Xarigga Gabre.

“Waa akhbaar wanaagsan in Itoobiya lagu xiray Koloneyl Gabre oo xumaan ku caanbaxay.  Waa nin muddo dheer ku lug lahaa oo faragelin iyo xasillooni-darro ku hayay Soomaaliya. Xariggiisu waxa uu muujinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay deganaanshaha geeska Afrika” ayuu ku yiri qoraalkiisa Agaasime Cabdinuur.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka, Siyaasiyiin iyo xubnaha Bulshada ayaa Doorashadooyin lasoo dhaafay ee Dalka ka dhacay iyo Marxaladihii Siyaasadeed ee dalka uu soo maray waxa ay sheegeen in uu dhaq-dhaqaaq Muuqdo ku lahaa Gabre.