Wareegto;Xaaf oo Galmudug ku soo rogay Xaalad deg deg ah!

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wareegto uu goor dhow soo saaray Maxawaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayuu ku Sheegay in laga bilaabo Maanta oo Taariikhdu tahay 1/10/2017 dhamaan Degaanada Galmudug Galayaan Xaalad deg deg ah waxuuna sheegay inuu arkay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Amniga iyo Xasiloonida Degaanka iyo isku dayo uu carabka ku dhuftay in layskaga hor keenayo Shacabka Galmudug.

Waraaqda kasoo baxday Xafiiska Xaaf ayaa lagu Dhamaan Degaanada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah muddo 3billod ah oo ka bilaabanaysa 1/10/2017. Xaalada deg dega ah waxay siinaysa Xukuumadda Galmudug awoodo Dheeraad ah oo ay u adeegsato xaqiijinta Amniga iyo Xasiloonida degaanada Dowladda Galmudug

Dhamaan Ciidamada Kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug sida Booliska.Birmadkiyo Nabad-Sugidda ayaa la faray inay fuliyaan amarada Xeerkaan si wanaagsana ugu hugaan samaan\

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayay Baarlamaanka Galmudug sheegeen inay xilka ka qaadeen wareegatada uu maanta soo saaray ayaana u muuqata mid lamida ah tii uu Guuleedkii xilka uga horeeyay Xaalada deg deg ah ku galiyay degaanada Galmudug markii sida lamida Xaaf Baarlamaanku xilka uga qaadeen Cadaado.

Hoos ka Akhri Wareegtada

Ceelhuuronline