Amar kasoo baxay RW Khayre oo lagu kordhiyay Saacadaha Shaqada Barnaamijka Is-xilqaan

Wararka Maanta

Waxaa si habsami leh u soconaya barnaamijka Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud,iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya,waxaana la kordhiayay saacadaha shaqada.

Saacadaha Shaqada Barnaamijka Isxilqaan ayaa la kordhiyay in la soo galo subixii hore,iyadoo laga baxayo  gelinka dambe,si loo dardargeliyo howlaha ballaaran ee dhismaha xarumaha danta guud,kadib amar ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.

Shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfafainta Soomaaliya ayaa markii sedexaad maanta ka qeybgalaya barnaamijka isxilqaan,taasi oo qeyb ka ah ololaha lagu dhisayo xarumaha danta guud,waxaana lagu bilaabaya maanta in ay shaqeeyaan waqti ka badan intii hore.

Agaasimaah guud ee wasaaradad Warfaafinta XUkuumadda Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda in si hufan loo guto waajibaadka shaqo ee ka saran dib u dhiska xarumaha danta guud,isagoona bogaadiyay shaqadooda.

Sidoo kale Abwaan Cismaan Abdulle Guure Maareeyaha Golaha Murtida iyo wacyigelinta ayaa ku ammaanay maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya dowrka ay ka qaadanayaan barnaamijka isaxilqaan.

Waa markii sadaxaad oo shaqaalaha wasaaradda Warfaafintu ay ka qeybqaadanayaan barnaamijka Isxilqaan,oo uu horey ugu dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo

dav
dav
dav