Ururka dhalinyarada Godinlabe ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey 150 qoys oo ah dadka abaartu saameysay.
Deeqdaan ayey dhalinyaradu iska aruuriyeen waxayna ugu deeqeen walaalahooda tabaalaysan, dadka deeqda la gaarsiiyey ayaa ka mahad celiyey raashinka la siiyey.
Dhalinyarada Godinlabe ayaa kaalin fiican kaga jira gurmadka abaaraha, waxaana deegaanad u hareereysan Godinlabe saameyey jiilaalka oo dheeraaday.