Wakiilka QM oo Booqasho ku tagay Hargeysa (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wafdi ballaaran oo ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulankan ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen  arrimo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii ay qaramada midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka mira-dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee ka socda Somaliland iyo arrimo kale.

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waxaana ay tilmaameen in kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Somalilnad uga mahadnaqay sida diirran ee uu usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaaray dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

Isaga oo ka hadlaya waxyaabaha ay sida gaarka ah madaxweynaha uga wada-hadleen, waxa uu yiri “Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaartay, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaan wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

Waxa uu sidoo kale guul ku tilmaamay xalka ay madaxddu ka gaareen caqabadihii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, taas oo uu calaamad u ah horumarka Somaliland ku socdo.

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada midoobay caawiso.