Wasiir Bayle oo Doha kula kulmay dhigiisa Qadar (SAWIRRO)

Wararka Maanta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doha, ayaa la  kulmay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Cali Shariif Al-Emadi, iyaggoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac.

Wasiirka, ayaa sheegay in dhigiisa uu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin Xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qadar ka dhaxeeya, isaggoo xusay in Dalka Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.

“Maanta waxaan la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyadda Dalka Qadar Mudane Ali Shareef Al–Emadi oo aan ka Wada hadalney xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qatar dhinaca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Islaamka ee lagu qabtey Doha” ayuu yiri Wasiir Beyle.