Howlgalo kasocda degmada xudur ee gobolka bakool

Wararka Maanta

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay howlgallo ay ka wadaan duleedka Degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii shalay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Waxaa uu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay laba jibaari doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay isku soo dhiibaan.

Al-Shabaab ayaa wali ku xoogan degaano badan oo ku yaalla gobolka Bakool, waxaana inta badan ay ka geystaan weeraro qorshaysan.

Maamulka koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer ku hanjabay in ay tilaabo Adag ay ka qaadi doonaan Al-Shabaab.