Ciidamadii Gadoodsanaa oo dib ula wareegay Kantoroolka Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

godinlabee

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ciidamadii gadoodsanaa ayaa dib ula wareegay kantaroolka Godinlabe gobolka Galgaduud, ciidankan oo saaka nabad suggidu kala wareegeen barta kontorool ayaa dib isugu soo abaabulay.

Waxaana gawaari tikniko ah iyo ciidan  ka baxay Magaalooyinka Cadaado iyo Baxdo  ay ku biireen kooxdii gadoodsaneyd, iyagoo ciidankii nabad sugidu dib ugu soo laabteen Magaalada Cadaado.

Xaalada Magaalada Godinlabe ayaa kacsan, waxaan dadku cabsi ka qabaan in dagaal culus dushooda ka dhaco, Gurmad ciidanka Nabad suggida  ay ka soo baxay Magaalada Galkacyo.

Dagaalkii saaka ayaa waxaa ku dhintay hal qof, laba qofna way ku dhaawacmeen, dhaawaca ayaa la keenay isbitaalka guud ee Cadaado, Ma jirto cid ka tirsan Galmudug oo dagaalkan ka hadashay.

 

Comments are closed.