Tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha G/Banaadir.

Wararka Maanta

Olole iyo tartan xoog leh ayaa loogu jiraa xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ah hal kursi oo bannaan, kaddib geeridii Allaha u naxariistee C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo horaantii bishan u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo xafiiskiisa lagula eegtay.

Hadal heyn badan ayaa suuqa ku jirta oo ku saabsan suura galnimada in xilkan bannaan in si degdeg loo magacaabo, marka loo eego xaalado ka jira Gobolka Banaadir iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadaan rag siyaasiyiin ah oo ku aadan arrinta maqaamka Caasimadda.

Durba waxaa suuqa soo galay shaqsiyaad dhowr ah oo tartan ugu jira xilkan, waxaana shaqsiyaadka isugu jiraa kuwo ku dhow Xafiisyada ugu sareysa dalka iyo kuwa ay taageerayaan dhaqanka Beesha Muddullood.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inay dhici karto in todobaadkan ama horaanta todobaadka soo socda ugu dambeyn la magacaabo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada, maadaama ay jiraan culeysyo ka imaanaya Beesha Muddullood.

Illaa saddex koox ayay isugu jiraan shaqsiyaadka raadinaya, kuwaasoo koox walba taageero kala duwan ka heleyso, haddii ay tahay siyaasiyiin, dhaqan iyo Madaxda sareba.

Inkastoo ay suuqa ku jiraan xubno caan ah oo hadba mid loo saadaalinayo in loo magacaabayo xilka Maamulka Gobolka Banaadir, hadana waxaa suura gal ah in ruux aan la fileyn oo aan saadaasha ama Suuqa ku jirin in la magacaabo.

Ragga ugu cad cad ee la hadal haayo inay xusul duub ugu jiraan xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Avv. Cumar Dhageey oo xilligan ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha, Cumar Qaanso oo horay u soo noqday Guddoomiye degmo, Agaasime Cali Gacal oo la rumeysan yahay inuu taageero ka helayo Duubabka dhaqanka iyo siyaasiyiin Beesha ah, Axmed Washington oo ah Maareeyaha Dekeda Muqdisho oo isna taageero ka helaya shaqsiyaad ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo horay dadaal ugu jiray in xilkaan loo magacaabo sanad ka hor, balse ku guuldareystay.

Sidoo kale waxaa la hadal hayaa Yuusuf Jaalle oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo, horayna u ahaa Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Cali Xasan.

Inkastoo dhammaan shaqsiyaadkan ay ka soo jeedaan Beesha Muddullood, hadana waxaa xusid mudan inay sugayaan saxiixa kaliya ee Madaxweynaha oo magacaabi doono ninka noqon doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya inay ku xiran tahay shaqsiga loo xusho awood ahaan taageerada uu beesha ku dhex leeyahay iyo sida Madaxweynaha ugu kalsoonaan karo, waana tan kaliya ee su’aasha taagan ah maadaama Madaxweynaha uu doonayo in ruux isaga dhisaya marka la gaaro doorashada, cid kasta oo u arka inay han sare leeyihiin aanay dhici doonin in la magacaabo, sidoo kale arrinta meesha ku jirta ayaa ah sida shaqsiga la magacaabi doono u maareyn karo Dooda iyo  abaabulka maalmahan socda ee la xiriira Maqaamka Muqdisho oo ay horboodayaan siyaasiyiin caan ah.

Xigasho: Jowhar News