Warsaxaafadeed: Shirka Wasiirada Warfaafinta DFS iyo Dowlad goboleedyada

Wararka Maanta

Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya, ayaa shir wada-tashi ah ku yeeshay magaallada Muqdisho kaas oo looga hadlay iskaashiga labada heer ee wasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta.

Shirka waxaa ka qeyb galay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Cali Xasan Axmed, WasiiWarfaafinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mudane Maxamed Aadan Cusmaan, Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiinka socota  Jubbaland, Agaasimeyaasha guud, madaxda warbaahinta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed CabdiXayir Maareeye ,oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirar wada-tashi ah, oo aywasaaraduhu si joogto ah u yeelan jireen.

Wasiirada iyo Agasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad-goboleedyada, ayaa shirka si gaar ah diiradda ugu saaray horumarinta Wasaaradaha iyo hay’adaha Warbaahinta ee heerarka kala duwan ee Qaranka, iyadoo la wadaagayo khibradaha iyo kheyraadka la heli karo.

Waxyaabaha shirkan lagu lafoguray, waxaa ka mid ah mideynta dadaalada hirgelinta wacyigelinta la xiriirta arrimaha Xagjirnimada, Argagixisada, Dowlad-wanaagga, Doorashooyinka, Dhamaystirka Dastuurka iyo arrimaha bulshada, iyadoo la raacayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta, oo ay wasaaraduhuansixiyeen sanadkii 2018-ka.

Dhammaad