Agaasimihii Wasaaradda Amniga DFS oo shaqadii laga joojiyey

Wararka Maanta

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed oo ka mid ahaa Agaasimayaasha mudada dheer xilalka ka haya Wasaaraddaha Xukuumadda.

Wasiir Ducaale ayaa si Kumeelgaar  ah xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ugu magacaabay Axmed Cabdi Kooshin, waxaana la faray Hey’addaha amniga dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan Sii Hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Cabdi Kooshin.

Halkan hoose ka akhriso warqada