Baydhabo: Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo Xukuntay 2 Askari

Wararka Maanta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku riday labo Askari oo katirsan Ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaas oo horay dil u geystay.

Dable Yaasiin Maxamed Aadan oo katirsan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed, oo Racfaan horay ugu qaatay Xukun ay ku riday Maxkamadda Darajada Koowaad,ayaa saakay markale waxaa xukun dil ah ku riday Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida.

Yaasin Maxamed ayaa lagu edeeyay in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Aadan Isaaq Ibraahim.

Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Xuseen Maxamed C/Nuur, oo asigana loo heystay in uu dilay Maxamed Guuloow Aadan oo ah Sarkaal katirsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaate Maalintii shalay ayey aheyd markii Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, ay xukun dil ah ku riday Saddex Nin oo loo heystay in dil horay u geysteen.