5 Musharax oo u tanaasulay Mukhtaar Roobow

Wararka Maanta

Waxaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo qaar ka mid ah Musharaxiin u taagan doorashada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed. Musharixiintaan oo ku mideysanaa Golaha isbadal doonka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay u tanaasuleen Musharax Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Musharixiintan ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka in ay waddo faragelin, iyagoo dalbaday in Bulshada Koofur Galbeed loo madax baneeyo in ay doortaan hogaamiyahooda, musharixiinta u tanaasulay Roobow ayaa kala ah

  1. Maxamed Aadan fargeeti, wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya
  2. Eng. Saalax Sheekh Cismaan, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya
  3. Xasan Macallin, xildhibaan hore oo federaalka ah.
  4. Yuusuf Baadiyow, xildhibaan hore oo federaalka
  5. Xuseen Kushuk

Golaha Is bedel doonka Koofur Galbeed ayaa waxay isugu jireen siyaasiyiin horay xilal wasiir uga soo qabtay dowladda Federaalka iyo rag ka soo shaqeeyay hey’adaha caalamiga.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhici doonta 5 bisha December ayaa waxaa sida muuqata ugu cad cad Xuseen Cusmaan Xuseen oo ahaa Taliyihii hore Nabadsugida, Mukhtaar Roobow iyo C/casiis Lafta Gareen oo ah Musharax ay taageereyso dowladda Federaalka.