Jabuuti: 7 bil kahor ayaan bixinay lacagta gurmadka Beledweyne

Wararka Maanta

Guddiga Gurmadka Beleweyne ayaa 7-dii bishan idaacadda VOA u sheegay in lacag gaareysa $600,000 oo ay dowladdu Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen aanay iyagu soo gaarin.

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in lacagtaasi ay 7 bilood ka hor ku wareejisay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musoobooyinka Dowladda Soomaaliya.

Hase yeeshee madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay Bartiisa Twitterka ku sheegay in lacagtaas lasoo gaarsiiyey.

Danjiraha Jamhuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belello) ayaa xusay in iyagu aanay faraha la galeynin maamulka gudaha Soomaaliya, iyo sidii kaalmadaasi loo maareynayay.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah yaa lacagtaas hayey muddadaas 7 bilood ah?.

Xigasho: VOA