Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saaka waaberigii uu dagaal ku dhex maray bar koontarool oo ku taal degmada Balcad ciidamo Milatariga Soomaaliya ah iyo dagaalamayaal Al-Shabaab ah.
Barta Koontarool ee dagaalku ka dhacay ayaa ku taal dhinaca galbeed ee degmada Balcad waxaana rasaas xoog leh laga maqlay salaadii subax kadib.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qasaare labada dhinac uu soo kala gaaray,balse waxaa la xaqiijiyay in labo askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa barta koontarool ay ku dhinteen.
Sidoo kale waxaa ay wararka sheegayaan in qof rayid ah oo ahaa beeralay ku kalahayay beertiisa ay rasaastii la is weydaarsaday ay ku dhacday uuna u dhintey dhaawacii soo gaaray.
Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo maamula deegaanada ku yaal galbeedka degmada Balcad ayaa weeraro ku soo qaada mararka qaar magaalada Balcad.