Waxaa shalay gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, waa Guuleed iyo Gaas e, waxaana safarkooda ku wehliyay siyaasiin kale, waxaa kale oo magaalada ku sugan wafdi nabadayn ah oo ka socda Abwaanada Soomaaliyeed.
Waxaa la filayaa in ay goordhow gaaraan wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, wafdigaan ayaa waxaa ku jira xubno ka socda beesha caalamka.
Kadib Imaatinka Ra’iisul wasaaraha ayaa la qorsheynayaa in Guuleed iyo Gaas ku kulmaan garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo, bulshada Soomaaliya ayaa indhaha ku heysa natiijada kasoo baxda kulankaas.
Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com
Comments are closed.