Mooshin laga keenay Madaxweynaha Hirshabeelle

Wararka Maanta

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha ayaa shalay xildhibaannada Hirshabeelle waxaa ay sheegeen in looga baahan yahay in uu si deg deg uu ku yimaado Magaalada Jowhar madaam Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble uu ka yaalla Mooshin .

Xildhibaanada Baarlmaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Cosoble ka dib markii uu soo magacaabay Wasiiro uusan kala tashin xildhibaanada.

Muddo dhowr Bilood ah oo uu jiray Maamulka Hirshabeelle ayay sheegeen in xildhibaanada in Cosoble uusan waxba kusoo kordhin maamulka .

Mudanayaasha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maanta ay ka doodaan Mooshinka laga diyaariyay Madaxweynaha.