Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay Sergio Aguero dib ugu soo laabto dhaawaca labo illaa afar isbuuc ka dib shilkii uu ku galay Amsterdam.
29 jirkaan waxa uu jab kasoo gaaray feer kadib markii uu ku soo laabtay garoonka diyaaradaha markii uu ka soo qeyb galay bandhig faneed ka dhacay caasimada Holland.
Sida laga soo xigtay Sky Sports News, dhaawaca ma ahan mid xun sidii markii hore looga cabsi qabay, xiddiga reer Argentina waa inuu seego garoomada wax ka badan afar isbuuc.
Dhaawaca ayaa la micno ah in Aguero uu seegi doono kulanka Man City ay la ciyaari doonto kooxda Chelsea, sidoo kale wuxuu seegi doonaa kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee ay wajahayaan Peru iyo Ecuador horaanta bisha October.
W/Q Hafsa haji