Alvaro Morata Oo Muddo Lix Isbuuc Ah Garoomada Ka Maqnaan Doono

Ciyaaraha

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa inuu lix todobaad garoomada dhaawac uga maqnaan doono.

Waxaa markii hore la rumeysan yahay in xiddigii hore ee Real Madrid inuu taam u noqon doono inuu ku soo laabto garoomada ka dib ciyaaraha caalami 14-ka October, sida wararkii ugu danbeeyay ayaa soo jeedinayaan.

Xiriirka kubada cagta ee Spain ayaa xaqiijiyay in Morata uu seegi doono isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Albania iyo Israel ka dib markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah kulankii ay Chelsea 1-0 guuldarada kasoo gaartay Manchester City Sabtidii lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay The Mirror, dhaawaca ayaa laga yaabaa inuu Morata ku sii nagaado muddo bil ah, lakiin waxa uu ku sii jiri karaa ilaa lix isbuuc.

Weeraryahanka ayaa qaab ciyaareed wanaagsan la yimaaday kooxda heysata horyaalka England, isagoo dhaliyey lix gool oo Premier League ah iyo hal kulan oo Champions League ah ilaa iyo haatan.

W/Q Hafsa haji