Alexis Sanchez Oo Tijaabada Caafimaad U Maraya Manchester United

Ciyaaraha

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa haatan tijaabada caafimaadka u maraya Manchester United, sida laga soo xigtay warbaahinta.

Ciyaaryahanka reer Chile ayaa la filayaa inuu u saxiixo Red Devils isagoo qeyb ka ah heshiiska uu Arsenal ugu soo wareegaayo Henrikh Mkhitaryan.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Sanchez ayaa u duulay Manchester subaxnimadii Axada si uu tijaabada caafimaadka ugu maro xirada tababarka ee Carrington.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Mkhitaryan uu haatan ku sugan yahay London iyadoo wakiilkiisa Mino Raiola uu diyaar u yahay inuu tijaabada caafimaadka u maro Arsenal.

Sanchez iyo Mkhitaryan labadoodaba ayaa ka maqnaa kooxdooda Sabtida iyadoo Arsenal iyo Manchester United kulamadii  Premier League.

Labada kooxood ayaa la filayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqaan Isniinta iyagoo xaqiijinaya inay dhameystireen heshiiskii ay kula wareegayeen labada ciyaaryahanba.