Dowladda Soomaaliya oo Daahfuray Manhajka Mideysan ee Dugsiyada Hoose Dalka (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta WAXBARASHADA

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Manhajka Mideysan ee dugsiga hoose Dalka, Manhajkaan ayaa ka kooban buugta fasalka koowaad ilaa fasalka afaraad, waana manhajkii ugu horeeyey ee Dugsiga Hoose ee Dowlada Soomaaliya soo saarto tan iyo burburkii Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Waxabrashada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo masuuliyiin kale.

Manhajkaan ayaa ku qoran afkeena Hooyo ee Soomaaliya, marka laga reebo luuqadda Carabiga iyo ingiriiska. Ardayda Soomaaliyaa 27 sano ee burburka wax ka baran jiray Manhajyo kala duwan oo dalal kale laga soo minguuriyey.