Wafdi Sare oo ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho Wafdi ka socda Kooxda sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP) oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

Sida Jadwalku yahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si kala gaar gaar ah waxa ay u kala qaabili doonaan wafdiga.

Booqashada wafdiga Midowga Afrika oo qaadan doonta muddo labo cisho ah (Luulyo 20-22), ayaa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM.