Wadooyinka Muqdisho Oo Saaka Xiran Maxay Tahay Sababtu?

Wararka Maanta

Madaxda ugu sareysa dalka, ayaa maanta ka qeybgalaya aaska Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhow deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo Todobo kamid ah askartooda, ayaa duhurnimadii shalay ku geeiryootay miino dhulka lagu aasay oo gaarigii ay wateen qabsatay.

Ciidamada amaanka, ayaa saaka xirtay qeybo kamid ah Jidka Warshadaha, gaar ahaan qeybaha ku dhow Dhismaha Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, halkaas oo la filayo in aas loogu sameeyo Saraakiisha iyo askarta ee geeriyootay.

Ciidamo dheeraad ah ayaa sidoo kale lagu daadiyay Wadada dheer ee Tirabuunka ilaa Warshada Caanaha, maadaama ay aad u isticmaalayaan Madaxda iyo Saraakiisha ka qeybgaleysa aaska, meydka labada Janaraal iyo askartooda, ayaa xalay ku baryay Isbitaalka Ciidanka Xoogga.

Madaxda, ayaa ka sheekeyn doona aqoontii ay u lahaayeen Janaraalada geeriyootay, iyadoo sidoo kale halkaasi loogu duceyn doono inuu Alle janadiisa ku galadeysto.