Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay hakisay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay Canada, iyadoo arrintaas ku sababaysay “faragalinta” ay ku hayso arrimaheeda gudaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay eryayso safiirka Canada ayna la soo laabanayso midkeedii Canada u fadhiyay.
Statement | The KSA announces the freezing of all new trade and investment transactions between the KSA and Canada. The KSA reserves its right to take further action.
— Foreign Ministry 🇸🇦 (@KSAmofaEN) August 5, 2018
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay Canada sheegtay “in ay aad uga walaacsan tahay” xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.
Canada is gravely concerned about additional arrests of civil society and women’s rights activists in #SaudiArabia, including Samar Badawi. We urge the Saudi authorities to immediately release them and all other peaceful #humanrights activists.
— Foreign Policy CAN (@CanadaFP) August 3, 2018
Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.
Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka. Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.
Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.