Dab khasaare geystay oo xalay ka kacay Muqdisho

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab khasaare hantiyadeed geystay oo xalay abaare 11:00 habeenimo ka kacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilliwaa Gobolka Banaadir.

Dabkan oo ilaa hadda aanan la ogeyn sababta ka dambeysay inuu kaco ayaa waxa uu geystay khasaare Hantiyadeed, Dukaaman ganacsi oo halkaasi ku yaallay ayuu Dabka gubay.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay daminta Dabka in lagu guuleystay Saakay aroortii hore, kadib markii halkaasi ay gaareen Gaadiidka dab damiska ah.

Sawirro iyo Muuqaallo laga soo qaday goobta uu Dabka kacay ayaa waxa ay muujinayaan burbur xoogan oo soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaalla.

Dadweyne fara badan oo degaanka ah ayaa saakay ku soo xoomay goobta uu Dabka ka kacay, waxaana dadka goobaha ganacsi ku leh Suuqa ay qiimeynayaan khasaaraha ka soo gaaray Dabka.

Xigasho: Radio Risaala