Wasaaradda A.Dibadda oo beenisay Eedeyntii loo jeediyey Wasiir ku xigeenka…

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Dibaddaiyo iskaashiga caalamiga  xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  ka jawaabtay eedeyntii musuq maasuq ee loo jeediyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimahada Dibadda Mukhtaar Mahad Daauud, taasi oo sababtay in xafiiskiisa shaqada ay ugu tageen ciidamo Boolis ah si ay u soo xiraan.

Arintaan ayaa salka ku haysa kadib markii Madaxda Wasaaradda Arimaha Dibadda ay ka dhago adegeyn in dhaqaalaha ay soo xareeyaan ku wareejiyeen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Xukuumadda Kheyre ayaa horey usoo saartay go’aan ah in dhammaan dhaqaalaha ay soo xareeyaan wasaaradaha dowladda lagu shubo koonto gaar ah oo  Bankiga dhexe uga furan wasaaradaa Maaliyadda.

Hadaba halkaan ka akhriso warqadda jawaabta wasaarada Arimaha dibadda Soomaaliya.