Askar ka tirsan Ciidanka Badda Galmudug oo tababar uga furmay Bosaso (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Askar ka tirsan ciidanka Badda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa tababar uga furmay Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari, ciidanka oo gaaraya 15 askari ayaa muddo 3 todobaad ah qaadan doona casharo la xariira badmaaxnimada, isgaarsiinta iyo sharciga badda.

Ciidanka ayaa lagu magacaabaa (Galmudug Police Maritime Force) waxayna ka howlagalayaan xeebaha Galmudug, gaar ahaan magaala xeebeedka Hobyo gobolka Mudug, horey ayaa sidan oo kale askar kale laguu tababaray Boosaaso iyo Jabuuti.

Ciidanka ayaa la qorsheynayaa in dhawaan la gaarsiiyo 60 askari, iyadoo lagu qalabeynayo doomaha dheereeya iyo saanad ciidan si ay uga hortagaan dabiyada ka dhaca xeebaha Galmudug. Tababar ayaa waxaa bixinaysa hay’adda UNDC MPC.