Maydad Alshabaab oo lagu soo bandhigay gobolka Gedo

Wararka Maanta

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay degmada Buurduubo ku soo bandhigeen Meydadka laba ruux oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Raggan maanta ay soo bandhigeen Saraakiisha ayaa waxaa lagu dilay Dagaal xalay fiidkii ka dhacay degmada Buurdhuubo, kadib markii Dagaalyahanada Shabaab ay laba jiho ka weerareen degmada.

Goobta laba ruux ee Meydadka ahaa ee Shabaab ka tirsanaa lagu soo bandhigayay waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Gedo, Saraakiisha Ciidamada Jubbaland, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha degmada Buurdhoobo Xasan Maxamed Cali (Xasan Yare) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay weerarka inaanu jirin khasaare lagu gaarsiiyay Ciidamada, sidoo kalena laga hortagay raggii weerarka soo qaaday.

Shabaab oo weerarkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in weerar xoog ku gal ah ay ka fuliyeen saldhigyo Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

Waxay kaloo Shabaab sheegeen raggii iyaga ka tirsanaa in mudo kooban ay la wareegeen xaafado ka tirsan degmada Buurdhuubo, kana sameeyeen baaritaano, sida ay sheegteen.

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan waxa ay ka wadaan goobihii uu Dagaalka ka dhacay, waxayna Ciidamada sameynayaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan ammaanka.