Gaariga Mise Darawalka?… Qormo Xiiso leh..

Wararka Maanta

Gaariga mise darawalka?
Dowladnimadu waa gaari laamiga saaran 24 saac. Waxa uu u baahan yahay koox darawaliin ah iyo kaaliyeyaal ka wada shaqeeya. Hadba qofka iyo kooxda loo arko inay gaariga u dhaqaajin karaan sida ugu haboon ayaa loo dhiibaa furaha iyo shaqada. Waa laga la noqdaa furaha, shaqadana waa laga eryaa haddii ay howsha u qaban waayaan sida ay tahay amaba ay isku-deyaan inay gaariga ka leexiyaan dhabbaha.

Shufeerada ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya waxaa ka mid ah madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada, wasiiradda, iyo howlwadeenada kale ee dowladda waa kaaliyeyaashooda oo waxa ay madaxda kala shaqeeyaan ciladbixinta iyo kaxeynta gaariga.

Ilaa berrigii xorriyada la qaatay ba, dowladnimada Soomaaliya waxaa heysta dhowr cilad oo isbiirsaday. Waa matoorka dowladnimada Soomaaliya oo weligiiba ciladeysnaa islamarkaasna aanan helin xirfadyaqaano hagaajiya. Cilada kale waa darawalada oo aan u tababarnayn si wanaagsan islamarkaasna shaqooyin iyo adeegyo kale ku dulwata gaariga furihiisa loo dhiibay.

Sidaas darteed, gaariga dowladnimada Soomaaliya si gaabis ah ayuu u socday weligiis ba. Haddase isaga oo dhan ayaa jidka laga leexiyay. Matoorkii oo gooni looga furay ayaa meel la isaga tuuray, intii kalenna cidlo ayaa looga tagay. Gaari kale lama soo iibin, sidaas darteed xitaa gaarigii socodka gaabnaa ee dowladnimada Soomaaliya hadda ma shaqaynayo.

Waa sida keliya ee loo fahmi karo, loona macneyn karo, in laanta fulinta ee dowladdu xirto oo askar duldhigto Golaha Shacabka si ay u go’aamiso hanaanka shaqo ee golehaas oo ah kan keliya ee heysta sharciyad dadweyne. Waa naftii yareyd ee ku jirtay dowladnimada Soomaaliya oo la siibay sababtoo ah Golaha Shacabku waa halbowlaha dowladnimada Soomaaliya.

Halkiise laga doodi lahaa gaarigaa howlgabka laga dhigay iyo sida ay tahay in loo ciladbixiyo, waxaa lagu mashquulay sheeg-sheegida in darawaladu kala muhiimsan yihiin oo ay tahay in qaar la eryo; qaarna sii joogaan. Qofka ka gubta ee ka qeyliya waxyeelada soo gaartay gaariga waxaa loo arkaa in uu diiday Kheyre, oo uu hiil u yahay Jawaari. Waa dhaqan iyo dabeecad soo-jireen ah.

War in laga doodo oo loo kala-xagliyo shufeerada waxaa ka xaqsan in af iyo labadii lagu qeyliyo, oo looga horyimaado in gaariga dowladnimada Soomaaliya oo dhan la kala furfuro iyo xubin ba meel lagu tuuro. Kaxeeyaha waa labadeli karaa, weligeed na waa la badeli jiray oo musiibo kama dhalan jirin.

Gaariga oo jidka laga leexiya oo qeyb meel lagu tuuro iyo awooda iyo shaqada hay’adaha dowladda ee kala-duwan oo la isku-dayo in hal ama labo gacan la isugu keeno waa ibtalo hor leh. Waana ciladii ugu weyn ee ku dhacday gaarigan berrigii ugu horreeyay ee darawal Soomaali ah loo dhiibay.

Halkii horey loogu socon lahaa, oo hadba xalka loogu sii dhawaan lahaa, ma ahan wax gudboon in dib loogu noqdo oo wanaag laga doono halkii dhibaatadu ka unkantay. Qofwalba oo diida, kana horyimaada kaalinta xukuumadu ku leedahay fowdada Golaha Shacabka ka dhex aloosan, ma ahan in uu kala dooranayo Jawaari iyo Kheyre. Labadoodu ba waa shufeero; howl kale ayayna ku dulwataan xilka ay hadda hayaan. Waa ay joogi karaan; waana ay tegi karaan. Se cilad walba oo ku kororta gaariga amaba in dhabbaha laga leexiyo, waa dhibaato adiga kuu korortay.

W/Q: Muxyadiin A. Rooble