Warbaahinta qaranka Turkiga ayaa sheegtay in warqadda xariga ay dowladda dalkaasi u jartay Hakan Sukur, oo ahaa laacib caalami ah isla markaana ka mid ah ragga ugu taariikhda wanaagsan kubadda cagta ee Turkiga.
Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay in uu ka tirsan yahay urur argagixiso, ayaga oo ula jeeda taageerayaasha wadaadka ku nool Maraykanka ee Futhullah Gulen, kaas oo xukuumadda Ankara ay sheegtay in uu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee dhawaan dalkaasi ka dhacay.
Labo guri oo ku yaalla galbeedka Turkiga ayaa baaritaan lagu sameeyay.
Hakan Sukur oo horay u soo noqday xildhibaan ka mid ah xisbig talad haya AK ayaa lagu yaqaanay in uu taageero wadaadka lagu eedeeyay inqilaabkii dhicisoobay
Twitter-ka iyo website-kiisa ayaa hawada ka maqnaa maanta oo Jimce ah laakiin horay ayuu u sheegay in uu taageero Fethullah Gulen.
source: .bbc.com/somali