Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u ogolaatay Thibaut Courtois inuu ka tago xagaaga 2019ka beeca xorta ah inta ay ka iibin laheyd Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Courtois, oo 25 sanno jir ah, ayaa bedelay Petr Cech isagoo Chelsea ku bilowday xilli ciyaareedkii 2014-15 ka dib seddex xilli ciyaareed oo uu la joogay Atletico Madrid intii u dhaxeysay 2011 iyo 2014.
Heshiiska haatan ee Blues ayaa la filayaa inuu dhaco xagaaga 2019, waxaana la fahamsan yahay in goolhayaha uu doonayo inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo isagoo ka warqabay xiisaha Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa diyaar u ah inay Courtois u ogolaato inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo Stamford Bridge halkii uu ka iibin lahaa Los Blancos xagaaga soo aadan suuqa kala iibsiga.
Courtois ayaa sagaal kulan shabaqa ilaashaday 21 kulan oo uu u saftay Chelsea xilli ciyaareedkan.