Paris Saint-Germain Iyo Schalke 04 Oo U Dhaqaaqaya Munir El Haddadi

Ciyaaraha

download

Paris Saint-Germain iyo Schalke 04 ayaa labadoodaba lagu soo waramayaa inay isha ku heyaan saxiixa weeraryahanka Barcelona Munir El Haddadi xagaagan.

20-sano jirkaan,  aadka looga qiimeeyo  Camp Nou, waxaana uu si xoogan u saftay intii lagu jiray kulamadii saaxiibtinimo ee ka horeyay xili ciyaareedka ayaa dhaliyay sideed gool 26 kulan uu u saftay kooxda reer Spain xilli ciyaareedkii 2015-16.

Barcelona ayaa ka fikiraysa mustaqbalka da’yarka reer Spain , si kastaba ha ahaatee, sida ay Marca qortay, labada koox ee PSG iyo Schalke ayaa si dhow u kormeeraya xalaada xidigan iyagoo u dhaqaaqaya bishan.

Kooxda reer Catalans  waxaa loo filayaa inay la soo wareegto weeraryahanka kooxda Valencia ee Paco Alcacer ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga  kaasi oo si xoogan loola xiriirinayay kooxda.

Munir ayaa shabaqa soo taabtay 10 jeer 43 kulan oo uu saftay kooxda koowaad ee Barcelona.

Comments are closed.