Midawga Yurub Oo Kordhiyey Taageeradiisa Soomaaliya

Wararka Maanta

Ururka Midowga Yurub ayaa kordhiyay muddada iyo miisaaniyadda qeybtiisa Soomaaliya,waxaana la gaarsiiyay ilaa sanadka 2020ka.

laga billaabo January 2019 ilaa 31ka December 2020 ayuu shaqeynayaa Ururka Midowga Yurub xafiiskiisa taageera Soomaaliya,waxaana loo qoondeeyay miisaaniyad dhan  €22.9Milyan oo yuuroo.

Qeybaha howlgalka ee la kordhiyay waxaa ka mid ah qeybta tababaridda Ciidamada Soomaaliya,qeybta taageerta Istiraatiijiyadda Siyaasadda Soomaaliya iyo qeybta kaabidda ama caawinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la aas aasay Sanadkii 2010kii,waxaana uu sanadkii 2014kii xarun ama xafiis uu ku shaqeeyo ka furtay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Midowga Yururub ee Soomaaliya waxaa uu leeyahay shaqaale gaaraya 200 oo qof,waxaana madax ka ah Jeneraal Matteo Spreafico oo u dhashay Dalka Talyaaniga.