(Daawo) Cadaado: Mushaar loo qeybiyey Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21-aad

Waxaa maalmahaan ka socday Xarunta kafaalo ee Magaalada Cadaado mushaar bixinta ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad oo ka howlgasha gobolada dhexe, Mushaarkan ayaa waxaa ciidanka ugu deeqday dowlada imaaraatka carab, waxaana howshan fulisay shirkad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Gorgor. Ciidamadan ayaa loo qeybiyey mushaarka 5 bilood ah, Abaanduulaha Qeyba 21-aad G/Sare Cabdullaahi Aadan […]

Continue Reading

Guuleed oo Ganafka ku dhuftay Mooshin ka dhan ahaa… Qormo kooban

Waxaa bilooyinkii ugu dambeeyey la karkarinayay mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed, Mooshinkan ayaa waxaa waday qeyb ka mid ah xildhibaanada barlamaanka Galmudug, waxaana gadaal ka riixayey siyaasiyiin ku sugan Muqdisho oo mucaarad ku ah dowlada Xasan Sheekh Maxamuud . Mooshinkan ayaa lala sugayey kolka Madaxweyne Guuleed yimaado Magaalada Cadaado […]

Continue Reading

Akhriso: Guuleed oo Magacaabay Guddi soo baara Duqeyntii Bariga Galkacyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1 October 2016 wareegto ku magacaabay guddi baaritaan ku sameeya duqeyntii Maraykanku ku dilay Askar ka tirsan ciidamada Galmudug duleedka Galkacyo. Gudigan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka Amniga Cismaan Nuur Taar dhuleed, waxaana ku jira Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha Cumar Guureeye, […]

Continue Reading

Munaasabad Mahad celin ah oo xalay Cadaado loogu qabtay Odawaa iyo Mahad Salaad (Sawirro)

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu maamuusayey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odaawa, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Jawaahir ayaa xalay lagu qabtay Hoolka xafladaha ee Madaxtooyada Galmudug Magaalada Cadaado. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha […]

Continue Reading

Daawo: Baroordiiq Cadaado loogu sameeyey Jeneraal Goobaale

Munaasabad baroordiiq ah ayaa maanta Magaalada Cadaado loogu sameeyey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Rooble Jimcaale Gooble oo shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro, xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo madax kale, Madasha ayay ka soo qeybgalayaashii ka jeediyeen Tacsi, waxaan goobta ka aqriyey taariikha jeneraalka […]

Continue Reading

Dagaal la isku maqribsaday oo dhexmaray ciidamada Galmudug iyo Puntland

Dagaal ayaa maanta ka dhacay meel u dhow deegaanka Sirjimaale oo 50km waqooyi bari ka xigta magaalada Galkacyo gobolka Mudug. Dagaalka ayaa markii hore dhexmaray reer miyi ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland, sababta dagaalka ayaa lagu sheegay geel ay shalay galab dhaceen maleeshiyo kasoo jeeda Puntland. dagaalka ayaa waxaa galabta ku biiray gawaari […]

Continue Reading

GALMUDUG MOOSHIN MAANTA MAYA BIRRI HAA W/Q: Cilmi Nuurre

Marka hore ma waxaad tahay xildhibaan mise xilma dhibaan hadaad tahay xildhibaan waxaa damiirkaaga maamula maslaxada shacabka murugadaaduna waa in ay ahaataa dhibaatada iyo hormar la aanta shacabka aad ma talayso laakiin hadii aad tahay xilma dhibaan waxaa ku xakuma rabitaankaaga iyo waxa aad danaynayso, intaas ka dib waxaan idinkala hadlayaa oo ku suganahay fadhiga […]

Continue Reading

Sawirro: Olale nadaafadeed ka socda Magaalada Godinlabe

Waxaa maalmahaan ka socday Magaalada Godinlabe Olale nadaafadeed ay fulinayeen ururka Hooyooyinka Godinlabe, waxaana ay isku bahaysteen hormarinta Magaalada. Qashinka oo dhibaato badan ku  haya magaalada ayay ku guuleysteen in intiisa badan isugu geeyaan duleedka magaalada Halkaas oo ay ku gubeen, waxaana arintan aad u soo dhaweeyey bulshada deegaanka. Ururka Hooyoyinka Godinlabe ayaa ka mid […]

Continue Reading

Sawirro: Hooyoyinka Godinlabe oo soo bandhigay Agabka Dhaqanka Soomaalida

Ururka Hooyoyinka Magaalada Godinlabe ayaa xaruntaa maamulka ku soo bandhigay agabka hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, ujeedada Bandhigan ayaa ahaa sidii loo nooleyn lahaa dhaqanka Soomaalida oo hoos dhac badan ku yimid dhulka Soomaaliyeed. Dhaqanka Soomaalida ayaa ah mid ku qotoma Miyiga, waxaan inta badan agabka miyada laga adeegsado gacanta ku sameeya haweenka […]

Continue Reading

Sawirro: Hoggaanka NUSOJ oo Cadaado kula kulmay Suxufiyiinta Galmudug

Kullan muhiim ah ayaa xalay magaalada Cadaado ku dhexmaray Xoghaya Guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee NUSOJ C/fitaax Xasan Faarax, iyo Suxufiyiinta Galmudug. Suxufiyiinta Kullan ka soo qeyb galay ayaa u badnaa suxufiyiinta degmada Cadaado, Waxaana Hoggaanka NUSOJ ka wada hadleyn arimo badan oo ay ka mid […]

Continue Reading