GALMUDUG MOOSHIN MAANTA MAYA BIRRI HAA W/Q: Cilmi Nuurre

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Marka hore ma waxaad tahay xildhibaan mise xilma dhibaan hadaad tahay xildhibaan waxaa damiirkaaga maamula maslaxada shacabka murugadaaduna waa in ay ahaataa dhibaatada iyo hormar la aanta shacabka aad ma talayso laakiin hadii aad tahay xilma dhibaan waxaa ku xakuma rabitaankaaga iyo waxa aad danaynayso, intaas ka dib waxaan idinkala hadlayaa oo ku suganahay fadhiga ku meelgaarka ee galmudug Cadaado waxaan maqlaynaa warar dabayshu wado oo dhahaya mooshin ayey soo walwaalayaan xildhibaanda Galmudug markaas dadku way la yaabeen arinkaas xiligaan waxayna lee yihiin timir tii horaa dabloo waayey micnaha doorosho tii horaa dhali waysay oo hada laga cabsi qabaa in qaliin lagu sameeyo.

Horta anigu ma rabo in aan ka war bixiyo xaalada manta ee Galmudug xumaan iyo fiicnaan laakiin waxaan rabaa in aan tilmaan ka bixiyo labo qodob oo kale waxayna kala yihiin;

Hada Soomaaliya waa xili kala guur marka siyaasada laga hadlayo waxayna foolanaysaa fooshii ugu adkayd ee ugu muran badnayd waxaana ugu yeeri lahaa doorashadii RIXIM GOOY waxaana isu ola guranaya wiil iyo abtigii,seedigii,habaryartii iyo qaraabo loo sheegay in ay tar tamyaan dad lacag ku baratamaya sidaas darteed xildhibaan iyo wasiir iyo masuul kasta taas ayaa dhib ugu filan marka marxaladaas culus laguma dari karo mooshin madaxweyne ee yaan laga darin

Tankale xildhibaanada galmudug su aal ayaa hortaal marka sadex bil mushaarku ka maqan yahay maxay invoice(Warqad Qaansheegad) uga dhigaan mooshin ka dib marka mushaarka la siiyana u kala tagaan waxaan u malaynayaa madaxda galmudug qori caaradi kuma imaan ee waxaa doortay isla xildhibaanada hada hadal haya mooshinka sidaas darteed hadda waa xili doorasho ee ku mashquula doorashada sidii loo keeni lahaa xildhibaano qaran oo maamul goboleedyada iyo qarankaba wax ka badali kara waxaana lee nahay galmudug mooshin manta maya biri haa.

Waxaan intaas ku dari lahaa arin ceeb iyo amakaag ugu filan reer Galmudug waxayna baarlamanka Galmudug fulinta ku eedeeyaan koronto ka maqan madaxtooyada arintaas waxay u badan tahay ama tahay in lacagtii darteed loo jartay waxaana ceeb ah in siyaasad ahaan ama borobagaando loo isticmaalo waayo ninbaa laga sheegay “koortaas ninkii qoray hala qoro midkii yiri midka haatan soo sida sadex kaadib baan iri”, marka in lacagta la bixin waayo daciif nimo hade taas fulinta kaliya kuma ceebaysana waxaa ugu daran xildhibaanka mushaar u qaatay 800$ bishii iyadoon la bixin korontada madaxtooyada waxaa ceeb kale ah in la gooyo korontada oo waxay ahayd in laga wada hadlo xitaa shacabka ceebta sadexaad waa in warbaahin laga sheego arinkaas,

hadaba waxaan ku baaqayaa in si dag dag ah loo shido madaxtooyada loona helo koronto iyadu leedahay dadkana waxaan ugu baaqayaa in aysan indhaha runta ka qarsan oo xiligu maahan kii laga warsugi jiray wareega taariikhda

Cilmi Nuurre Weheliye

Email. cilminure@gmail.com

Tel 0615515815

Cadaado-Soomaaliya

Tagged

Comments are closed.