Dagaal la isku maqribsaday oo dhexmaray ciidamada Galmudug iyo Puntland

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dagaal ayaa maanta ka dhacay meel u dhow deegaanka Sirjimaale oo 50km waqooyi bari ka xigta magaalada Galkacyo gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa markii hore dhexmaray reer miyi ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland, sababta dagaalka ayaa lagu sheegay geel ay shalay galab dhaceen maleeshiyo kasoo jeeda Puntland.

dagaalka ayaa waxaa galabta ku biiray gawaari tikniko ah oo ka baxay magaalada Galkacyo, Khasaaraha dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 14 qofood, iyo dhaawac 22 kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gawaari ciidan la gubay, dagaalka ayaa la isku maqribsaday, Dhaawacyada dagaalka ayaa la geeyay isbitaalo ku yaala waqooyiga iyo koofurta magaalada Galkacyo.

Wixii kusoo kordha kala so Ceelhuur Online

 

Tagged

Comments are closed.