Munaasabad Mahad celin ah oo xalay Cadaado loogu qabtay Odawaa iyo Mahad Salaad (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu maamuusayey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odaawa, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Jawaahir ayaa xalay lagu qabtay Hoolka xafladaha ee Madaxtooyada Galmudug Magaalada Cadaado.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir, Gudoomiye ku xigeenada Barlamaanka Galmudug, xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale.

Waxaana goobta heeso ku soo bandhigay Kooxda Fanaaniinta Xidagaha Galmudug, waxaana Madaxdii goobta ka hadlay ay u mahad celiyeen Wasiir Odawaa iyo wasiir Mahad salaad sidii ay ugu dhabar adeygeen dhismihii maamulka Galmudug.

Wasiir Mahad Salaad oo madasha ka jeediyey Kaftan siyaasadeed ahaa nuxurkiisu ahaa sidii aan idinkugu dadaalnay inaan maamul yeelataan, waxaan idinka filaynaa in aad noogu abaal gudaan maadaama sanadkan Xildhibaanimada agtiina ay taalo.

Wasiir Odawaa oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu Markale Cadaado ku soo laabto, isagoo ka taariikheeyey dhismihii maamulka Galmudug, waxa uuna ugu baaqay Maamulka Ahlu sunna in Galmudug wax la qeybsadaan, wasiirka ayaa intaa ku daray in aan la aqbali karin in Ahlu sunna madax furasho u heysato Caasimada Galmudug Dusmo-reeb iyo shacabka deegaanka.

Munaasabada ayaa waxaa soo xiray Madaweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, isagoo sheegay in ay sanaadkii ay maamulka hayeeen wax qabteen, waxna u suurta gali waayeen, wuxuuna si gaar ah ugu Mahad celiyey wasiir Odawaa, Xaflada ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan.

14445321_10205962169572148_87207577_n 14445340_10205962170892181_770484954_n 14445605_10205962172012209_1504595052_n 14454480_10205962170932182_483931289_n 14454509_10205962171092186_1781651693_n 14454605_10205962165852055_1747881692_n 14458892_10205962165212039_1584257284_n 14463719_10205962170812179_73728686_n 14469231_10205962165612049_1677324643_n 14469281_10205962170852180_1160911824_n 14470955_10205962171892206_1223166564_n 14470972_10205962171292191_1525083701_n

Tagged

Comments are closed.