Sawirro: Olale nadaafadeed ka socda Magaalada Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa maalmahaan ka socday Magaalada Godinlabe Olale nadaafadeed ay fulinayeen ururka Hooyooyinka Godinlabe, waxaana ay isku bahaysteen hormarinta Magaalada.

Qashinka oo dhibaato badan ku  haya magaalada ayay ku guuleysteen in intiisa badan isugu geeyaan duleedka magaalada Halkaas oo ay ku gubeen, waxaana arintan aad u soo dhaweeyey bulshada deegaanka.

Ururka Hooyoyinka Godinlabe ayaa ka mid ah ururada Haween ee ugu firfircoon Galmudug, iyagoo horey u dhisay isbitaalka weyn ee magaalada oo ay gacan ka siiyeen haweenka UK ku nool ee deegaanka ka soo jeeda.

Sidoo kale waxa ay hadda wadaan xarunta guriga hooyooyinka oo qabyo ah, iyagoo balan qaad ka helay dhameystirka xaruntaas wasiirka arimaha gudaha soomaaliya C/raxmaan Odawaa mar uu booqasho ku tagay halkaasi.

Ururka Hooyoyinka ayaa kaalin mug leh ka qaada dayactirka iyo dhismaha xarumaha danta guud, iyo suggida amniga deegaan.

14172009_1017373911709608_351889672_n 14172083_1017373068376359_1227757018_n 14182135_1017372871709712_908241082_n 14182616_1017374161709583_392697165_n 14182653_1017374755042857_802580641_n 14193851_1017373118376354_867622272_n 14218182_1017372558376410_645873903_n 14218319_1017372428376423_1254156024_n 14218459_1017374031709596_1211160628_n

Tagged

Comments are closed.