Sawirro: Hoggaanka NUSOJ oo Cadaado kula kulmay Suxufiyiinta Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kullan muhiim ah ayaa xalay magaalada Cadaado ku dhexmaray Xoghaya Guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee NUSOJ C/fitaax Xasan Faarax, iyo Suxufiyiinta Galmudug.

Suxufiyiinta Kullan ka soo qeyb galay ayaa u badnaa suxufiyiinta degmada Cadaado, Waxaana Hoggaanka NUSOJ ka wada hadleyn arimo badan oo ay ka mid yihiin, Hormarinta Xirfadda Suxufiga, xaalada NUSOJ, iyo isku xirnaanta Suxufiyiinta gobolka.

Waa Markii ugu horeysay oo Xoghaya NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu booqasho ku tago meel ka baxsan Magaalada Muqdisho, waxaana Magaalada Cadaado nasiib u yeelatay in uu soo booqdo xog hayuhu.

NUSOJ ayaa dib boorka looga jafay, Waxaana talaabadaas aad u soo dhaweeyey  suxufiyiinta Galmudug, Kullanka ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah, waxaana suxufiyiintu ballan qaadeen in ay garab joogaan Hoggaanka NUSOJ.

20160901_212829 20160901_212843 20160901_212900 20160901_212903 20160901_213203 20160901_213211 20160901_213316 20160901_213338 20160901_213425 20160901_213735 20160901_213741 20160901_213802

Tagged

Comments are closed.