Real Madrid ayaa waxaa ay niyadjab dhaawac leh ka helaysaa ciyaaryahan Alvaro Morata kaasi oo seegi doono ku dhawaad muddo bil ah garoomada dhaawac muruqa ah.
24-sano jirkaan waxa uu dhaawaca soo gaaray intii lagu jiray kulankii Spain ay 2-2 la galeen England ee garoonka Wembley Stadium habeenkii talaadada, taasoo la micno ah in uusan qayb ka aheyn kulanka La Liga todobaadka soo socda ee ay la ciyaarayaan Atletico Madrid.
Morata, ayaa dhaliyay sideed gool 17 kulan uu u saftay Los Blancos xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, sidoo kale waxay u badan tahay inuu ka maqnaan doona El Clasico ee 3-da bisha December, sidoo kale kulan Sporting Lisbon, Sporting Gijon, Borussia Dortmund, Deportivo La Coruna iyokulama kale.
Madrid ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kabtanka Sergio Ramos iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Luka Modric ay dabcan ku soo laaban doonaan garoomada islamarkaana diyaar u yihiin ciyaarta Vicente Calderon ee Sabtida, inkastoo Gareth Bale, Casemiro, Mateo Kovacic iyo Karim Benzema dhamaantood taam ahaanshahooda uu shaki ku jiro.
W/D Hafsa Haji