Soonku:- waa Cibaado iyo Caafimaad

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Maanta

Ramadaanku waa Bil uu Allaah (SW) nagu waajib yeelay in aan Soonno, si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fara badan oo noogu dhex kaydsan, ee looma soo dajin in aan baahanno ama aan haraadno.

Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garanno ujeedooyinka iyo Xikmadaha loo Sharciyeeyay Ramadaanka si Nafteena ugu raaxaysato uguna faraxdo gaaritaanka Bishaan Barakeysan, sidaa dartead waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka tilmaano Xikamadaha qaar ee loo jideeyay Soonka Ramdaanka waxaana ka mid ah xikmadda caafimaad oo ku jirta Soonka.

Cilmi baaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan oo ku takhasusay sida uu jirka aadanuhu u shaqeeyo(Physiology) ayuu ku ogaaday in markii uu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo dufanka ku keydsan unugyada jirka, taas oo keeneysa in uu jirku is nadiifiyo oo uu iska saaro unugyada keena Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa,Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurrada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterolka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah.

Is cunidda jirka (Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo 8-saacadood xiriir ah oo uusan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo dhowr maalmood, si aysan unugyadii dhintay fursad ugu helin in ay dib usoo noolaadaan.

Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa in uu qofku is gaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-saacadood oo xiriir ah 2 ilaa 3 maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeedinayaa in uu sidaas joogteeyo halbilooxiriirsanadkiiba.

Dr.Yoshinori Ohsumi oo ah bare sare oo wax ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka ee Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmi baaristaan darted uu mutaystay shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize-kaeedhankaCaafimaadkasanadkii2016-kii

Cilmibaarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1440-sano ka hor, waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka in uu qofku Muslimka ahi Soomo 30 maalmood oo xiriir ah ka sanad kasta, Nabigeenna naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaate wuxuu jideeyay Soonka 2 maalmood todobaaakiiba(Isniin iyo Khamiis), iyo Soonka maalmaha cacad oo ah 13ka, 14ka iyo 15ka (Ayaamul- Biidh) bilkasta.

Xanuunada Soonku gaashaanka uga noqon karo aadamaha, waxaa ka mid ah, xanuunada maskaxda ku dhaca ee saamaynta ku yeesha unugyada difaaca ee dhiiga. Xanuunadan ayaa waxa ka mid ah ama ugu horeeya, cudurka Asaasaqa ee afka qalaad loogu yiraahdo, “Alzheimer’s iyo xanuunka dhinac qalalka ee “Parkinson’s disease”la yiraahdo, sida cilmi baaris lagu ogaaday, laba maalmood oo isku xigta qofka Sooma, waxa awoodaysta qaybaha difaaca ee caawiya, neerfayaasha, halka hoos u dhac wayni ku dhaco qandhada iyo kor u kaca dhiiga ee aan caadiga ahayn.

Daraasad caafimaad ayaa sidoo kale iftiimisay, Soonka Toban maalmood oo is xiga qofka soomaa, inay ka yarayso, xanuunada lafaha ku dhaca ee Roomatiisanka loo yaqaan, kaas oo inta badan ku dhaca dadka waaweyn, Khabiirradan ayaa la dhaygagay faa’iidooyinka caafimaad ee tirada badan ee Soonka ku jira, kuwaas oo taabanaya dhinac kasta oo nolosha aadamaha quseeya, heerka waxtarkiisu gaarsiisan yahayna aan la qiiyaasi karin.

Soonku waxa uu dib u cosbooneysiiyaa shaqada Beeryaraha; sidaa darteed muddooyin bilo ah ayuu kaa fogeynayaa inuu kugu dhaco cudurka Sonkorowga, sidaa oo kale Soonku waxa uu jirka ka nadiifiyaa maadaama Nicotine taas oo u sahleysa dadka sigaarka cabbaa iney ka go’aan caadadaas xun.

Soonku waxa uu fursad fiican u yahay in jirku uu helo fursad uu ku nasto oo waxyaabaha haraadiga ah uu iskaga qashin saaro, waxa uu sahlaa habeynta shaqada Habdhiska Dheefshiidka, waxaanuu dhimaa miisaanka culus ee qofka, sidoo kale Soonku wuxuu jirka  ka garabsiiyaa inuu iska nadiifiyo unugyada dhintay iyo kuwa xanuunsan, si tartiib tar tiib ah ayuu jirku suntaan isaga saaraa, maalmaha soonka illaa jirku uu awood u yeesho inuu dibadda u saaro suntii sanado badan jirkaaga ku raagtay, isbuucyo ka dib jirku waxa uu bilaabayaa inuu nadiifiyo xididada dhiigga ee maskaxda, sunta marka jirka laga nadiifiyo habdhiska difaaca jirka waxa uu dib u soo ceshanayaa firfircoonidiisa.

Bisha Ramadaanka oo la soomo waa fursad dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn oo uu Alle dad badan uga xoreynayo Naarta iyo kulaylkeeda. Sidoo kalana waa fursad caafimaad oo ay dad badan uga badbaadayaan Cudurro halis ah oo haya ama kusoo fool leh.
Eebe ha inooga dhigo maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon. Allow nagu dar kuwa Soonkaan ka faa’iideysta, aadna ugu deeqdo raxmad, dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn.

Waxaa qoray: Hussein Sabrie