Sawirro: Shirka ka qeybgalka Dhalinyarada Galmudug ee doorashada sanadkan oo Cadaado ka furmay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirkan oo looga hadlayay sida dhalinyaradu kaga qayb qaadan karto doorashada sanadkan ka dhacaysa dalka, arrimaha Federaalka iyo wacyigalinta Tahriibka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dawlad goboleedka Galmudug iyo ururka dhalinyarada Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiiro ka tirsan Galmudug iyo dhalinyaro iyo xubno ka socday qaybaha kale ee bulshada. Caruuse Macalin Maxamed Gudoomiyaha dhalinyarada Galmudug ayaa sheegay in shirkan ay u qabteen si dhalinyarada loo dareensiiyo waqtiga kala guurka ah ee lagu jiro.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cusmaan Maxamed Cali Socdaal iyo wasiir dawlaha arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in sadexda maalmood ee shirkan soconayo ay si fiican uga baaraan dagaan qaabkii si nabdoon looga gudbi lahaa xilliga kala guurka, iyadoo kaalinta dhalinyaradu muuqato.

14081338_10205735266099703_2040270561_n 14088798_10205735266459712_1311567824_n 14089499_10205735266379710_322985032_n 14089502_10205735265819696_510620881_n 14089600_10205735266979725_1433177954_n (1) 14089600_10205735266979725_1433177954_n

Comments are closed.